04/08/2026
Waxaa jirtay xog ilaa shalay dadka lagu dhex tuuray oo tibaaxaysa in Wasiirka Qorsheynta DDS Cumar Faaruq, uu is casilay. waxaan eegayna siddey ku timid iyo halka laga soo riixay.
Dhawaan waxaa socotay qorsheynta Miisanniyada Deeganka. Xafiisyada wasiirada jooge waxay badi isku hawlayeen in dhaqaalle xooggan loo qabto xafiskiisa iyo meesha uu ka soo jeedo- tuulladooda Arrintas waxay keentay in qof walba Loby- sameysto oo uu madaxwaymaha la hoos ordo qorshe u gaar ah.
Wasiir Faaruq, oo xafiiska qorsheynta haysta ayaa hawshaas ka biyo diidday. Shir la galay ayuu soo jeediyay in qorshe lagu salleeyo miisanniyada- oo aan ergooyin iyo masuul masuul loo O'lalaysan. Wuxuu tilmaamay in xafiiskoodu hayo qorshihii baahida Deeganka iyo jihada ay tahay in loo qoondeyo Miisanniyada. Cumar, wuxuu tallo u soo jeediyay in Deeganku yeesho jiho miisanniyada loo qoondeyo oo ku salleysan baahida.
Kulankas wasiiro arrintas ka biyo diidsanaa ayaa dooddo ka keenay. Faaruq, ayaa se doodda kuleelayay oo dhahay ma aha in ay Loby ku salleyno miisanniyada.
Dooddas gudaha Kaabinega ah markay dhacday ayaa waxaa bannaanka u baxday xog tibaaxaysa inuu shaqadii ka tagay. Lama garan karo cidda suuqa gelisay, laakin waxaa la hubaa in ay jiraan wasiiro waawayn oo ay ku kala arragti duwan yihiin qorsheynta Miisanniyada. Ilaa hadama ma jirto meel uu isku casilay sidda Ilo-xog ogaal ah noo xaqiijiyeen.