25/10/2025
Iyaa ka danbeeya shaqaaqa ka aloosan SAYLAC ?
Tan iyo maalintii la magacaabay badhasaabka gobolka salal mudane./ cabdi siciid faahiye alaale waxa baroor iyo catow la taagna baraha bulshada
Beesha kasoo jeeda BORAMA oo ay isaga kala
khaldantay SAYLAC iyo BORAMA waayo iyagaba badhasaabka & maayirka iyo xoghaya borama cid ku haysata ma jirto
Waxaa kale oo in layswaydiiyo ah 40 qays in ka badan oo beelwaynta ciise ahi waa ay daganyihiin borama haddana ma jaleecaan saddexda mansab ee ugu sareeya borama hase ahaate taa badalkeed maxa keenay in ka yar 40 qays oo kale oo degan SAYLAC Kanasoo jeeda BORAMA ay had iyo jeer noqdaan kuwoo baraha bulshada soo yuurara ujeedkuna yahay laba ujeedo uun waata h**e in ay u muujiyaan dadyoowga ka baxsan Sland joogitaankooda xeebaha SAYLAC iyo LUGHAYA
Waata labaade in ay xaqiijiyaan damacooda gaamuray ee soo jireenka ahaa oo ah in ay SAYLAC iyo Gabilay oo ilaa 1970 kii ay sheegtaan si ugu yaraan wax uga helaan had iyo jeerna kolba shidaalka lagu shubo dhalinta marka nool
Waxaa xasuus muddan in degmada SAYLAC hoos yimaadaan ilaa 28 tuulo intuba beelwaynta ciise degan tahay hase ahaate jiraan dhawr tuulo oo abtinimo iyo inan layaalnimo kusoo dageen oo ay ka yihiin uun 8% hase ahaate yihiin dad ka jira uun baraha bulshada
Waxaa nasiib daro wayn in marka laga yimaado 40 qays ee sida shirci darada ah ugu nool SAYLAC ee baraha bulshada uun ka nool boramana laga soo shidaaliyo
Maxa aamusiiyay dadyoowgii beelwaynta ciise ee dagana 28 tuulo ee DEGMADA SAYLAC oo u diiday in ay baraha bulshada iyo saxafadd hor yimadaan oo ay difaacdaan siyaasiyiinta iyo foolaadla CIISE ee qurba joogta iyo soo guurtadu kanbadhka ugu fadhido
1/ cabdiqaadir
2/ habaas
3/ jidhi
4/ xuseen
5/ aashacaddo
6/ ceelgaal
7/ toqoshi
8/ kalabaydh
10/ xariirad
11/ gargaara galbeed
12/ xarsi bow
13/ indho biraale
14/ laanta morohda
15/ wadajir
16/ lawyacaddo
17/ qudhac
18/ dabadilaac
19 / fiqi aadan
20/ camuud culus
21/ sheekh awaare