06/04/2020
Noloshu ma lahan liibaan joogta ah waayo kuma jirtid jannada dhexdeeda, inta aad adduunka dushiisa ku nooshahay waad kufaysaa siddeed jeer waadna kacaysaa sagaal jeer, mar baad farxad dareemaysaa oo waqtigu ku saacidaa marna murugo ayaa qalbigaaga daboolaysa, maalin waad qoslaysaa marka ay arrimahaaga kuu hagaagaan maalinta xigtana waad carooneysaa ama xanaaqaysaa waxaadna cimrigaaga ku qaadanaysaa baratan adag oo adkaysi u baahan sidaas daraadeed haka quusan nolosha inta aad neefsanayso.
David Herbert Lawrence qoraa iyo gabyaa u dhashay dalka Ingiriiska.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Gaarane Dufle Aalow Macaane.