12/01/2026
MAO Architects waxay diyaarisay naqshad Landscape Architecture ah oo loogu talagalay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray jihaynta qorraxda iyo maaraynta kulaylka deegaanka.
Naqshaddu waxay u qaabeysan tahay in si dabiici ah loo dhimo heer-kulka guud ee goobta ilaa 5°C, taas oo yareyneysa isticmaalka nidaamyada AC-ga isla markaana kor u qaadaysa raaxada isticmaalayaasha.
Inkasta oo dhirtu weli ku jirto marxaladda koritaanka, naqshaddu waxay si istaraatiiji ah u qorsheysan tahay in marka ay dhirtu si tartiib ah u baxdo, ay si buuxda u gaarto saameynta la hiigsanayo ee hoos-u-dhigga kulaylka iyo quruxda muuqaalka.
Mashruucani wuxuu ka tarjumayaa aragtida MAO Architects ee ku wajahan naqshad waara, feker dheer ku dhisan, una kobceysa si dabiici ah waqti ka dib.