13/10/2026
SAYNAB: HOOYO DHABAR-ADAYG LEH, QALBIGAYGANA TAABATAY ❤️🩹
Xalay waxaa dhacdo yar oo macne weyn xambaarsan igu reebtay dareen aan si fudud loo hilmaami karin. Saynab, oo ka mid ah dadka sida weyn ii taageera, ayaa hadiyad ii keentay. Hadiyad laga yaabo in qof kale ula ekaato wax yar, balse aniga waxay ii ahayd farriin qalbigayga si qoto dheer u taabatay.
Sababtu waa mid aan ka weynayn hadiyadda lafteeda. Waa qofka hadiyadda keenay, duruufaha ay ku nooshahay iyo qalbiga wanaagsan ee ka dambeeya.
Saynab waa hooyo agoontimaysay, waa xaas uu geeridu ka qaaday saygeedii oo ku dhintay dagaal isaga oo deegaankiisa ka difaacaya cadow soo weeraray. Waa haweeney noloshu tijaabisay, balse aan u oggolaan in duruufuhu jebiyaan geesinimadeeda iyo samirkeeda.
Saygeedii geeridiisa ka dib, waxay ku nooshahay mushahar dhan 11,000 oo keliya, kaas oo ay ka hesho meeshii uu saygeedu ka shaqayn jiray. Mushaharkaas yar ayay ku maaraysaa nolosheeda, iyada oo weliba ku nool guri kiro ah.
Bal sawir hooyo duruufahaas oo dhan ku dhex jirta, haddana qalbigeedu u furan yahay inay dadka kale farxad geliso. Iyadoo iyadu wax badan u baahan, haddana wax bay kula wadaagaysaa. Iyadoo noloshu culays ku hayso, haddana waxay dooratay inay farxad kuu noqoto.
Runtii, marka qof wax yar haysta uu wax kula wadaago, qiimaha hadiyaddu ma aha waxa gacantaada soo galay, ee waa waxa qalbigaaga soo gaadhay.
Saynab, hadiyaddaadii xalay qalbigayga ayay taabatay. Waxaad i xusuusisay in wanaaggu aanu ku xidhnayn hantida qofku haysto, balse uu ku xidhan yahay baaxadda qalbigiisa.
Anigu waxba igama aadan codsan, mana aadan ii sheegin duruufaha aad ku jirto si aan wax kuugu qabto. Laakiin markii aan wax badan kaa ogaaday, damiirkaygu wuxuu ii sheegay inaanan ku ekaan mahadnaq oo keliya.
Sidaas darteed, waxaan jeclaan lahaa in qof ama dhawr qof oo Alle khayr siiyey, oo jecel inay qalbi farxiyaan, ay si gaar ah ila soo xidhiidhaan. Waxaan rabaa inaan Saynab, oo aan waxba iga dalban, si hoose ugu samayno farxad ay muddo xusuusato; farxad yarayn karta culayska ay noloshu saartay, kuna dareensiin karta in aanay keligeed ahayn.
Ma doonayo in dhibkeeda la buunbuuniyo ama karaamadeeda la dhaawaco. Waxaan doonayaa oo keliya in wanaagga ay dadka u hayso loogu abaalgudo wanaag, iyada oo sharafteeda iyo asturnaanteeda la ilaalinayo.
Mararka qaarkood, qofka qalbigaaga iftiimiya waa qof noloshiisu mugdi badan soo martay.
Saynab, mahadsanid. Hadiyaddaadu waxay ahayd wax ka badan hadiyad; waxay ahayd cashar nololeed, farriin qalbiga shidaysa iyo xusuusin ah in bani’aadannimadu weli nooshahay.
Alle ha u naxariisto saygaaga, ha kuu barakeeyo noloshaada iyo ubadkaaga, hana kuu furo albaab khayr oo aadan filayn. Aamiin. 🤲❤️